Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka amniga deegaanada xuduudka ku yaalla ee gobolka Gedo.
Shirkan oo ka qabsoomay Beledxaawo waxaa ka qeybgalay xubnaha golaha wasiirada ee kamidka ah wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ee howlaha shaqo u jooga gobolka, sarakiisha Ciidamada kala duwan iyo maamulka Degmada Beledxaawo.
Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa warbixin ka dhageestay saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Gedo, waxa uuna faray saraakiisha in lasii xoojiyo amniga gobolka Gedo.
Maxamuud Sayid Aadan oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa gobolka Gedo ayaa kulamo kala duwan la qaadanayay saraakiisha ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gedo.