Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweyne Waare oo gudoomiye cusub u magacaabay maamulka gobolka Hiiraan (Akhriso)

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Dabageed, ka dib markii uu xilka ka qaaday C/llaahi Axmed Iimaan oo xilkan hayay muddo shan bilood ah oo kaliya.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa muddo sanad gudahiis, inta uu haayo xilka waxaa uu Gobolka Hiiraan u magacaabay saddex Guddoomiye, iyadoo maamulka Gobolka Hiiraan ay muddo labo sano isku bedeleen shan guddoomiye.

Sidoo kale waa markii 3aad ee Yuusuf Dabageed loo magacaabo xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, lamana cadeyn waxa sababay isbedelkan lagu sameeyey maamulka gobolka Hiiraan.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Siciid Deni oo isabadal ku sameeyay taliyaal Ciidan iyo Sababaha keenay

Cabdi Cade

Sidee dalalka Carabta uga jawaaben gurmadka dhulgariirka Turkiga & Siiriya? (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay Wasiirro cusub iyo Wasiirkii Gaashaandhigga oo…

admin
Taboola Ads ---