Madaxda Hirshabelle iyo Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa dedaalo nabadeed ka wada degaano ka tirsan Sh/dhexe oo dhowaa dagaalo culus ay ku dhexmareen maleeshiyaadka labad beelood oo walaalo ah.
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa shalay gaaray deegaanka Burka Diirimeed.
Waxaa halkaas ku dhoweeyey Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Masuuliyiin kale.
Deegaankaan waxaa maanta ka furmaya Shirka Dib u Heshiisiinta ee u dhaxeeya Beelihii Walaalaha ahaa ee dhowaan dagaalamay deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle.
Shirka dib u heshiisinta beelahan walaalaha ayaa waxaa goob joog ka ah Odayaasha dhaqanka labada dhinac iyo qeybaha bulshada, waxaana la filayaa in lagu soo afjaro xal waarana looga gaaro colaadii dhexmartay labada beelood.