Allbanaadir.com
NEWS

Antonio Guterres oo fariin adag u diray Milateriga qabsaday talada dalka Niger

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay talaabada ciidamada dalka Niger ku afgembiyeen Madaxweynihii dalkaas Mohamed Bazoum oo haatan ku jira xabsiga.

Antonio Guterres ayaa sheegay inaan la aqbal karin wax uu ugu yeeray isbedelka sharci darrada ah ee ka dhacay Niger, isagoo milateriuga ugu baaqay iney xukunka ku celiyaan hogaamiyihihii ay xukunka ka tuureen.

Mr Guterres ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xariga madaxweyne Mohamed Bazoum, uuna ka walaacsan yahay xaaladiisa caafimaad.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dhammaan dhaqdhaqaaqyada caqabada ku ah geedi socodka dimoqraadiyadda ee Niger.” ayaa agu yiri war ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee QM.

Arrintan ayaa timid kadib markii ciidamada dalka Niger ay ka shaaciyeen inqilaabka afgambiga uu ka sameeyay Telefishinka dalkaasi, iyagoo sheegay inay u cuskadeen dastuurka dalkaasi, isla markaana ay shaqada ka joojiyeen dhamaan maamulada dalkaasi, isla markaana ay xireen xuduudaha dalkaasi.

Wadooyinka magaalada Niamey ee dalka Niger, ayaa laga arki karaa is bedelka, iyadoo aysan jirin wax isu socod ah oo dadka iyo gaadiidka ah, tan iyo markii shalay lagu dhawaaqay inqilaabka ay ciidamadu sameeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa Tuma Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka noqotay dalka Britain ee Liz Truss ?

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre oo guddoomiyey shir xasaasi ah oo lagu qabtay Xalane (daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliska qeybta 27-aad oo laga dhigay Degmo Al Shabaab go’doon galisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---