Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cagjar oo qaaday talaabo ka farxisay shacabka Soomaalida Itoobiya

Waxaa si kama dambays ah loo xaqiijiyey in la xirayo jeelkii dhexe ee dawlad degaanka Soomaalida ee loo yaqaannay Jeel Ogaadeen.

Xabsigaas oo tacaddiyo badan loogu gaysan jiray dadka maxaabiista ah sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dawladdii hore ee degaanka Soomaalida waxay sheegi jirtay in dadka xabsigaas lagu hayo loo samaynayo dhaqan celin.

Waxaa si rasmi ah maanta loogu dhawaaqay in xabsigaas laga dhigi doono matxaf ama meel allaabaha hiddaha iyo dhaqanka lagu kaydiyo.

Bashir Axmed Xaashi oo ah taliye ku xigeenka ciidanka asluubta dawlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in tallabadaas ay soo dhawaynayaan waana maalin farxadeed ayuu yiri isagoo xusay in muddo dheer jeelkan ummadda lagu soo dhibaataynayey.

;“Dad badan baa gaajo ugu dhamaaday, dad badan baa ku lixaad beelay, dad badan baa xanuuno intay ka qaadeen u dhintay dhacdooyin argagax iyo uurkutaalo leh baa ka dhacay” ayuu yiri.

Xabsiga dhexe ee Dawlad degaanka Soomaalida Jeel ogaadeen ee haatan la sheegay in la xiray ayaa waxaa wali ku xiran maxaabiis gaaraysa 285 qof, waxaana masuuliyiinta dawlad degaanku ay sheegeen in aanay jirin cid u xiran arrimo siyaasadeed.

Jeel Ogaadeen oo xiritaankiisa ay go’aamiyeen golaha wasiirrada dawlad deegaanka ayaa waxaa maanta soo buux dhaafiyey dadweyne ku faraxsan tallaabadan, qaar ka mid ah dadkaas ayaa sheegay in ayaga lagu xiray xabsigaas, halka kuwo kale ay sheegeen in xigtadoodu ay ku xirnaan jireen.

Dadkaas waxaa ka mid ahaa Ismaaciil Buurgaabo oo muddo dheer ku xirnaa Jeelkaas wuxuuna sheegay in dhibaatooyin kala duwan loogu gaystay xabsiga asagoo sheegay in aanu hal habeen nabadgalyo ku seexan mudadii uu xidhnaa isla markaasna lagu riday god dherarkiisa uu ku sheegay lix mitir oo lagu shubo qashinka musqulaha iyo bullaacadaha uuna ku jiray afar iyo toban cisho kuna indho beelay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay abwaan kale oo taageeray Al-shabaab

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Hogaamiyaha Ururka Ginbot 7 oo si weyn loogu soo dhaweeyay Adis Ababa

Cabdi Cade

Xisbullah oo dayuurad dagaal ka soo riday Israa’iil iyo Wararkii u dambeeyey Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---