14 Xubnood oo isagu jira Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ka soo qalin-jabiyay Kuliyada Boliiska Dalka Turkiga (Turkish National Polis Academy).
Saraakiishan ayaa soo qaatay shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda (Master of Security Strategy and Management) gudaha Magaalada Ankara.
Geedigaan waxbarasho ayey soo bilaabeen bartamihii sanadkii 2021, waxayna soo idlaatay 26 July 2023.
Dufcadan ayaa ah tii 7-aad oo ay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliisku ka soo qalin jabiyaan kuliyaddan, iyada oo Somaaliya qeyb ka tahay ilaa 15 dal oo Saraakiishooda Boliisku ay ka qalin jabiyeen.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyed Gen. Sulub Ahmed Firin ayaa hambalyo u diray saraakiisha qelin jebisay, isagoo xusay inuu sugayo gudashada waajibaadka ka saaran sugida amaanka dalkooda.
Taliska Qeybta Guud Boliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey inuu dil ka geystay gudaha degmadaas.