Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay Ururka Dhalinyarada Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka JFS, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Balad-xaawo.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa da’yarta degmada Beledxaawo ku baraarujiyey inay doorkooda ka qaataan Dowladnimada iyo wadajirka bulshada.
Dhinacyadii isku maandhaafsanaa siyaasadda gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay khilaafkii dhexdooda yaallay ay heshiis ka gaareen
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmo ka hor degmada Doolow kulan kula qaatay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed iyo Siyaasiyiin kale oo ka horjeeday maamulka Jubbaland.
Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xubno ka tirsan galaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, Maamulka Gobolka Gedo, Kan degmada Doolow iyo masuuliyiin kale.
Dhinacyada ayaa si wadajir ah u sheegay in wadahadal lagu xaliyay khilaafkaasi oo soo jiitamayay illaa xiligii dowladii Madaxweyne Farmaajo.