Ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo burcad hubeesan iyo mooto ay wateen, burcadan ayaana xilligii la qabanayay ku howlanaa dhac ay dad shacab ah u geesanayeen.
War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheesan ku qabteen burcadan baarashada waday, waxa ayna sheegeen booliiska in burcadan lasoo qabtay sharciga la waafajin doono.
”Taliska qeybta guud ee booliiska G/Banaadir gaar ahaan saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa howlgal qorsheysan kusoo qabtay eedeysaneyaasha sawirkoodu hoos idinkaga muuqdo, kuwaa oo dhac ka geysanayay xaafado kamid ah degmada Hodan. Hubki ay burcaddu wateen iyo mooto bajaaj ay adeegsanayeen ayey boliisku si feejigan gacanta ugu soo dhigeen, waxaana la waafajin doonaa hab-raaca sharci ee dalka u yaal” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.
Ciidmada booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa dagaal adag kula jira kooxaha burcada ah ee dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba ku haya shacabka, waxa ayna booliiska marar badan soo xireen kooxo burcad hubeesan oo dhac geesanayay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com