Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meel mariyay Shan hindise Sharciyeed oo muhiim ah (Sawirro)

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab.

Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.

Golaha ayaa sidoo kale
meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;

1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.

3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.

5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

Related posts

Mashiinka Dowladdu Ku Dhaqaaqdo oo shir uga socdo Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rag laga soo badbaadiyay Badweynta Hindiya oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Yaa kamid ah shaqsiyaadk Mareykanka oo ku soo rogay xayiraad iyo Jubbaland oo qaylo dhaan ka keenay xayiraada ….!!

admin
Taboola Ads ---