Allbanaadir.com
NEWS

Senator Cabdi Qeybiid oo ka hadlay Howlgalkii Ciidamo katirsan Dowlada Gurigiisa galeen

Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo goordhaw shir jaraa’id  qabtay  ayaa sheegay in ciidamo katirsan dowlada gurigiisa soo weerareen.

Waxa uu sheegay Qeybdiid in gurigiisa ciidamo hubeesan xoog kusoo galeen isaga oo ka maqan, waxa uuna tilmaamay in ciidankaasi baaritaano ku sameeyeen gurigiisa iyo waliba qoyskiisa.

Senetar Qeybdiid ayaa sheegay in ciidamada gurigiisa weeraray oo loogu sheegay kuwa Imaaraatka tababareen ay bur bur u geesteen qeybo kamid ah gurigiisa sidoo kale telfoonada ka qaateen xaaskiisa iyo gabadhiisa.

Cabdi Qeybdiid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in isaga oo ah Xildhibaan xasaanad leh gurigiisa xoog lagu galo laguna baaro, waxa uuna shegay in uu ka warsugayo baaritaanada lagu sameenayo falkan waxa kasoo baxa.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya gaar ahana kuwa Dowlada Imaaraaka tababareen ayaa la sheegay in duhurninmadii maanta xoog ku galeen guriga Senetar Cbadi Qeybdiid, lamana oga wali ujeedka ciidankaasi iyo sababta ay u weerareen guriga Xildhibaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya qarax khasaaro geestay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Daawo: Cudud muujinta Mucaaradka & qatarta qarsoon ee ka dhalana karta!

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Wasiirka Amniga iyo Taliyaal ciidan oo Kormeeray Koontaroolo kuyaala Daafaha Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---