Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa ka qeyb galay munaasabad Dawladda Ruushku lacag dhan $640 Million kaga dhaaftay Dawladda Soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Mudane Timur Igorevich Maksimov la saxiixday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag dhan $ 640 million.
Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu berri ka furmayo Shirwaynaha Afrika iyo Ruushka, ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska Dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika.
Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa uga mahad celiyey dowlada Ruushka talaabadaas wax ku oolka ah ee deyntaas faraha badan ay uga cafisay Somalia.