Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jubbaland oo soo afjartay khilaafkii Maamul ee ka taagnaa gobolka Gedo (Sawirro)

Dhinacyadii isku maandhaafsanaa siyaasadda gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegay inay khilaafkii dhexdooda yaallay ay heshiis ka gaadheen

Madaxweyne ku-xigeenka  Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta degmada Doolow kulan kula qaatay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed iyo Siyaasiyiin kale oo ka horjeeday maamulka Jubbaland.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xubno ka tirsan galaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, Maamulka Gobolka Gedo, Kan degmada Doolow iyo masuuliyiin kale.

Dhinacyada ayaa si wadajir ah u sheegay in wadahadal lagu xaliyay khilaafkaasi oo soo jiitamayay illaa xiligii dowladii Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Jubaland Mudane maxamuud Sayid Aadan iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka oo ay kamid yihiin masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee heer federaal iyo heer Jubaland ayaa Waxaa Beledxaawo kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Degmada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Cali Waraabe: “Muuse Biixi wuxuu bilaabay qabyaalad, waana ka tashaneynaa”

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Cabdi Cade

Senatarkii ugu horeeyay ee kamid noqonaya Aqalka sare oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---