Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan Adan Madoobe la qaatay Ergeyga Midowga Afrika ee Somalia (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga u qaabilsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Souef Mohammed El-Amnie.

Danjiraha oo marka hore ka tacsiyeeyay askartii ku shahiiday weerarkii al-shabaab ku soo qaadeen Xerada Tababarka Ciidanka Jaalle Siyaad ee magalada Muqdisho.

Danjire Souef Mohammed El-Amnie ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay shaqada ATMIS halka ay mareeyso iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Sidoo kale kulanka waxaa danjiraha ku wehlinayay taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Gen. Sam.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahad celiyey Midowga Afrika dedaalka uu ugu jiro xoojinta nabada iyo dowladnimada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo go’aan ka soo saartay xiliga ay bilaabaneyso bisha Ramadaan

Caydiid Ali

(Akhriso) Digniino laga bixiyey khatar ku soo wajahan qaar ka mid ah gobolada dalka

Caydiid Ali

DEG DEG: Wagner oo ugu dambeyn joojiyey Duulaankii Moosko (Heshiis la gaaray)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---