Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo hadal ka jeediyay Shir madaxeedka Daarusalaam ka socda (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay maanta Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay Xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka.

Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

Related posts

Beesha Caalamka oo ka dalbatay Axmed Madoobe in Doorashadii Jubbaland lagu celiyo iyo Shir ka socda..

Cabdi Cade

Madaxweyne Hakainde Hichilema oo arrin adag ka codsaday ragga xaasaska leh

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somalia oo soo saaray amar ku socda heyadaha Qaranka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---