Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay Qaraxii askarta badan lagu laayay (Sawirro)

Guddoomiye ku Xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Maanta Shir Guddoomisay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 11aad oo uu wahlinayo Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow waxaana soo xaadiray 147 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa
1.Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya.

Intaasi Kadib Guddoomiye Sacdiyo yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeysay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday Ciidanka14ka octoobar ee ku sugnaa kulliyadda jaalla siyaad ee Magaalada muqdisho Waxayna alle ugu bariday inuu caafimaad taam ah siiyo Ciidankii ku dhaawacmay iyo sidoo kale ciidankii ku geeriyoodayna uu janadiisa fardowsa kawaraabiyo.

Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dhankooda aad ugu hadlay dhacdadaas waxayna carbaka ku adkeeyeen in baaritaan sax ah lagu sameeyo ciidankaasi lagu laayay xerada jaala siyaad ee Magaalada Muqdisho Guddina loo saaro si ay ugu soo tala bixiyaan dhacdadaasi.

Intaasi kadib Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe Ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya Asigoona u sheegay in hindise Sharciyeedkaan uu Dalka iyo dadka uu Muhiim u yahay loona baahanyahay xildhibaanada in ay Ahmiyad gaar ah siyaaan.

Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya Iyagoona Su’aallo kaweeydiiyay qodobo kamid ah Hindise Sharciyeedka uu wasiirka hor keenay xildhibaanada ayaa su’aalahooda iyo doododa u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku Xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa soo xirtay kulanka maanta iyadoona fartay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri”in uu kuwareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamuladda Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS si ay talooyinka xildhibaanada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale xildhibaanada Akhrinta labaad dood ugu yeeshan.

Related posts

Saciid Ciise: Muddo kordhin waa lama huraan haddii lagu Gaarayo..

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo la kulmay Xubno ay ku jiraan Shir Gudoonka Guurtida & Wakiilada (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Qadar oo Malaayiin Dollar siineysa dowlada Federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade