Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay Wasiir iyo taliyaal Afrikan ah & kooxda Wagner oo Sabab u noqotay

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn adag kusoo rogtay wasiirka gaashaandhigga dalka Mali Col Sadio Camara iyo taliyaal katirsan ciidamada milatariga ee dalkaasi.

Wasaaradda maaliyadda Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay wasiirka gaashaandhigga Mali iyo taliyaha ciidamada cirka iyo kuxigeenkiisa, waxa ayna saddexdan masuul Mareykanka eedeeyeen fududeynta isballaarinta Kooxda Wagner ee Ruushka .

Ra’isull wasaaraha Mali Choguel Kokalla Maïga, ayaa si kulul uga hor-yimid una dhaleeceeyay cunaqabateynta Mareykanka kusoo rogay masuuliyiintan katirsan dowladda, waxa uuna cunaqabateyntan ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.

“Cunaqabateynta saaran saraakiisheenna geesiyaasha ah, Wasiirka Gaashaandhigga Col Sadio Camara, Gen Alou Boi Diarra, Col Adama Bagayoko, ma laha ujeeddooyin aan ka ahayn in lagu mashquuliyo dadka Mali. Ma jiraan wax naga mashquulin doona shaqada dib u dhiska Mali,” ayuu yiri Mr Maiga .

Wasiirka gaashaandhigga dalka Mali iyo labada taliye kale ayaa Mareykanka sheegeen in ay sabab u yihiin dalka Mali isku ballaariyaan kooxda calooshood u shaqeestayaasha Wagner oo dalkaasi u tagay la dagaalanka Islaamiyiinta hubeesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Odayaasha soo dhisaya maamulka Hirshabelle oo gaaray Jowhar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xaalad adag oo soo wajahday dadka tahriibka ku galay dalka Mareykanka

Caydiid Ali

Dhacdo naxdin leh oo qabsatay RW Katrín, xili ay bixineysay Wareysi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---