Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ruto oo shaaciyay in Diyaar u yahay la kulanka Raila Odinga

Dalka Kenya waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka socday dibad-baxyo rabshado watay oo ay dhigayeen taageerayaasha xisbiga ugu weyn mucaaradka Kenya uu hoggaamiyo musharaxii doorashada looga guuleestay ee Raila Odinga.

Dibad-baxyada rabshada watay ee ka dhacayay dalka Kenya ayaa looga soo horjeeday hab-maamulka madaxweyne William Ruto iyo sidoo kale sicir bararka ka jira dalka Kenya ee saameesay nolosha dad badan.

Madaxweyne William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu diyaar u yahay la kulanka Raila Odinga, si ay uga wada hadlaan xaalada siyaasadeed ee ka taagan Kenya iyo tabashada mucaaradka .

”Saaxiibkay Raila Odinga, waxaan safar u aaday Tansaaniya kulan raasumaal ah oo dadka si loo waafajiyo ballaarinta fursadaha shaqo ee qaaraddeena. Markaan soo laabto waxaan diyaar u ahay in aan fool ka fool kuula kulmo waqti kasta oo ku habboon” Ayii yiri Ruto.

Wadahadalo ay horey u yeesheen madaxweynaha Kenya William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa fashilmay, waxaana mar kale dib u bilowday dibad-baxyo waa weyn ay mucaaradka dhigayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Farmaajo iyo waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Musharax caan ah oo katirsanaa Golaha Midowga Musharaxiinta oo geeriyooday

Cabdi Cade

Maxey Qabanayaan Guddiga Farsamo uu magacaabay Rooble ee ku shiraya Baydhabo ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---