Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo si aan la fileyn uga hadlay qaraxii ka dhacay xerada Jaalle Siyaad

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Daarusalaam ayaa ka hadlay qaraxii askarta badan lagu laayay ee Isniintii ka dhacay xerada Jaalle Siyaad.

Xamse Barre ayaa wax laa xumaado ku tilmaamay weerarkii is-qarxinta ahaa ee Al Shabaab la beegsadeen askar ku sugneed gudaha xerada ciidamada ee Jaalle Siyaad, waxa uuna sheegay in ciidanka geesiyada ay dhibaato kasoo gaartay qaraxa lagu weeraray

Ra’isul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada ay ka baxeen askartii qaraxa ku geeriyootay, waxa uu sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyay askartii ku dhaawacantay ee xarumaha caafimaad lagu daweenayo.

“Waxaan rabaa inaa ku bilaabo tacsi aan u dirayo geesiyadeenii shalay ee dhibaatadu ku dhacday ee nimankii fuleeyada ahaa mid kamid ahi uu isku dhex qarxiyay, deedna uu culeys kasoo gaaray qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, intii dhimatay Allaha u naxariiriisto inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u boogo dhayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed falkaas waan uga tacsiyeyneynaa. Arrintaan waaa arrin laga xumaado waa fuleynimo aan horay uga soo baranay nimankaas ee dhibka badan” ayuu yiri Xamse Barre.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya marnaba kama hadlin tallaabooyin ay dowladda qaadeyso qaraxa kaddib iyo sidoo klae baariraano lagu sameeyo qaraxaasi oo la tuhmayo in ay fududeeyeen saraakiil katirsan dowladda.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe sidoo kale ah kusimaha madaxweynaha oo isna qaraxan ka hadlay ayaa amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo qaraxa, waxa uuna xusay in qaraxan loo fududeeyay Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoogaga Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay degmada Mahadaay & xiisad ka taagan

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay go’aan oo wadnaha gooyey dowlada Sweden

Caydiid Ali

Trump oo ka digay arrin halis ah oo dhaceysa haddii aan dib loo dooran 2024

Caydiid Ali
Taboola Ads ---