Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta Dad-dhigista ee degmooyinka qeybta bari ee G/Banaadir oo xariga laga jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)ayaa  xariga ka jaray xarunta Dad-dhigista dowladda hoose Xamar ee degmooyinka qeybta bari oo laga hirgaliyay degmada Yaaqshiid.

Xaruntaan cusub uu xariga ka jarau duqa magaalada Muqdisho ayaa loogu tala galay in loogu adeego dadweynaha kunool degmooyinka bari ee gobolka Banaadir, kuwaa oo horey dhib weyn ugu qabay doonashada warqada dhalashada.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano katirsan DFS, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir, xog’hayaha Guud ee maamulka gobolka, maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada rayidka.

.Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boggaadiyay howlaha ay waaxda dad-dhigista soo kor dhisay iyo horumarinta lagu sameeyay adeegyada ay bulshada siiso, waxa uuna xusay in xaruntan u adeegi doonto dadka degan bariga caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhaweyay Baydhabo Janaay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre oo kormeer kedis ah ku tegay qaar ka mid ah xarumaha dowlada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Masuul ku naf waayey qarax ka dhacay duledka Magaalada Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---