Kooxda Islaamiga ah ee haysa talada dalka Afganistan ee Taalibaan ayaa soo saartay ammar lagu xiray goobaha loogu tala galay in dumarka isku qurxiyaan, waxaana go’aankan uu saameyn badan ku yeelan doonaa dumar aad u badan.
Waxaa hadda si rasmi ah u dhaqan-galay ammarkii kooxda Taalibaan, waxaana gabi ahaan la xiray kumanaan goobood oo ahaa goobo si gaar ah loogu qurxiyo dumarka u dhashay dalka Afganistan.
Taalibaan ayaana bishii hore soo saartay ammar ay ku fareyso in gabi ahaan lagu xiro goobaha haweenka lagu qurxiyo, waxa ayna kooxdan tilmaameen in diinta Islaamka kasoo horjeedo sunniyaha la jaro iyo waxyaabo kale.
Kumanaan haween ah ayaa dhigay dibad-baxyo ay uga soo horjeedaan go’aankan kasoo baxay Taalibaan, hasa ahaatee ammarka Taalibaan ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay, waxaana sidaasi ku shaqo waayay kumanaan haween ah .
Taalibaan ayaa sidoo kale sheegtay in qoysaska lammaanaha is guursanaya ay ku kaceen kharashaad aan loo baahnayn iyaga oo bixinaya adeegyada qurxinta dumarka, waxa ayna xuseen in laga maarmi karo is-qurxinta qarashka badan lagu bixiyo.