War Saxaafadeed ku saabsan go’aankii ay MSF uga baxday Laascaanood
25 July 2023
Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo waxa ay si mug leh uga mahadcelinayaan MSF taageeradii caafimaad ee ay siin jirtay dadka Laascaanood iyo guud ahaan SSC-Khaatumo. Goluhu waxa uu gar-waaqsanyahay in duqeymaha socda ee Somaliland sababeen in Ha’adda ay joojiso hawlgalladeedii.
Waxaan luuqadda ugu adag ku cambaareyneynaa xasuuqa iyo duqeynta ay Somaliland ka geysato Laascaanood, taas oo sababtay barakaca dadkii magaalada, iyo gaar ahaan shaqaalaha MSF, horseeday in Hay’addu joojiso hawlgalladii ay deegaanka ka waday, taas oo uga sii dareysa xaaladda.
Sida ku cad hadalkii Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) Dr. Tedros Adhanom tarriikhdu marka ay ahayd 13kii bishii Luulyo 2023, in si bareer ah loo bartil-maameedsado goobaha caafimaadka waa dambiyo dagaal. Xarumaha Caafimaadka waa qasab in laga badbaadiyo ficil kasta oo xaasarad ah. Hase yeeshee, Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi, waxa uu si bahalnimo ah, bareer ah, u duqeeyaa xarumaha caafimaadka. Goluhu waxa ay ugu baaqayaan Hay’adaha sharciga caalamiga ah iyo kuwa Xuquuqul Insaanka in ay diiwaangaliyaan dambiyada dagaal ee uu Maamulka Somaliland ka geysanayo Laascaanood iyo Gobollada SSC-Khaatumo si loogula xisaabtamo.
Golaha Sare ee SSC-Khaatumo waxa uu u xaqiijinayaa MSF iyo shaqaaleheeda in Maamuka Cusub ee SSC-Khaatumo kala shaqeyn doono hoggaanka hay’adda in shaqaalaha MSF ay dib u bilaabaan hawlgaladooda Laascaanood, waxa ayna ballan-qaadayaan ammaanka iyo bad-qabka dhammaan hawlwadeenada gargaarka.
Afhayeenka Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo,
Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.
=Dhammaad =