Xoghaye hoosaadka Maaliyadda ee argagixisada iyo Sirdoonka Maaliyadda ee dowlada Mareykanka Brian Nelson ayaa iftiimin doona dadaalka Washington ee fududeynta dhoofinta badarka iyo bacriminta Ruushka inta lagu guda jiro booqashada uu todobaadka soo socda ku tagayo dalalka Kenya iyo Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in ka bixitaanka Moscow ee heshiiska badarka badda madow ay dhaawici doonto dowladaha Afrika.
Booqashada todobaadka soo socda ee Brian Nelson ayaa ku soo beegantay iyadoo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu isku diyaarinayo martigelinta hoggaamiyeyaasha Afrika oo ku wajahan St. Petersburg Khamiista iyo Jimcaha waxayna u ballan qaadaysaa qamadi Ruush ah oo bilaash ah ama jaban si ay ugu beddelaan kan Ukraine.”
Nelson waxa uu ka hadli doonaa siyaabaha loola dagaallamo qulqulka maaliyadeed ee sharci darrada ah ee la xiriira xasaradaha gobolka sida Suudaan halkaas oo in ka badan 1,100 qof lagu dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii Abriil.
Safarkii Nelson isagoo xoghaye ah ayaa noqonaya  kii ugu horreeyay ee uu ku tago Bariga Afrika isagoo daba socda booqashooyin ay dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan maamulka Biden ku tageen qaaradda sanadkan.
Inta uu ku sugan yahay Nairobi iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Sabtida iyo Isniinta, Nelson waxa uu kala hadli doonaa madaxda labada dal xoojinta ka-hortagga lacagaha la dhaqo iyo ka hortagga maalgelinta qaab-dhismeedka argagixisanimada.
Ruushka ayaa ka baxay heshiiskii u ogolaanayay in badda madow ay u dhoofiyaan badarka Ukraine usbuucii hore.
Heshiiska badarka badda madow waxa dalaal ka ahaa U.N. iyo Turkiga sanad ka hor si loola dagaallamo cunno caalami ah oo ay dhibaateeyeen duullaankii Ruushka ee Febraayo 2022 ee Ukraine. Ukraine iyo Ruushka ayaa labaduba hormuud u ah dhoofinta hadhuudhka.
Soomaaliya waxa ay Ukraine ka heshay 84,000 oo tan oo sarreen ah sanadka 2022, halka ay ka ahayd 31,000 oo tan 2021, sida ay sheegtay xogta ganacsiga U.N. iyadoo deeq-bixiyeyaashu ay kordhiyeen kaalmada si ay uga hortagaan macluusha ku soo fool leh meelaha qaarkood.