Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka cusub booqashada RW Xamse ku joogo dalka Tanzania? (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika, ayaa kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey Jaaliyadda guulaha Xukuumadda #DanQaran ee ku aadden dowlad-dhiska Soomaaliya, dib-u-xoreynta dalka, deyn cafinta, kobcinta dhaqaalaha, arrimaha horumarinta bulshada, shaqo abuurka dhallinyarada iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda ku aadden horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka dhageystay xubnaha Jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalka Tanzania iyo doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka.

Dhankooda, Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay sida ay isugu duuban yihiin, islamarkaana ay wada-shaqeynta dhow ula leeyihiin  Safiirka Soomaaliya u fadhida dalkaas Marwo Sahra Cali Xasan iyo guud ahaan Safaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Video:-Niyad Jabka ama diiqada qofka ku dhacda maxaa sababa? wax badan Ka ogow

admin

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Dibaddiisa oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciyaal Weero Cimaamado wata oo caawa lagu soo qabtay Howlgal la sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---