Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mucaaradka Puntland oo ka soo horjeestay talaabadii uu qaaday Golaha Wakiilada

Mucaaradka Puntland ayaa ka soo horjeestay tallaabadii uu maanta baarlamanka maamulkaasi ugu codeeyey kuna ansixiyey wax ka beddalka dastuurka dowlad goboleedka Puntland oo muran badan uu ka taagnaa.

Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyinta sida weyn u diidan qorshaha doorashooyinka ee Saciid Deni oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in talaabadan ay lama filaan ku noqotay, ayna soo baxday xilli ay isimadu wadeen dhexdhexaadin.

Waxaa uu intaas ku daray in jawaab laga sugayo odayaasha dhaqanka ee Puntland oo iyagu horey Deni ugala balamay in la joojiyo ansixinta wax ka bedelka dastuurka inta xaal laga gaarayo xiisada ka dhalatay arrintaas.

“Falkii sharciga iyo Dastuurka baalmarsanaa ee ay maanta ku dhaqaaqeen Baarlamaanku ee uu Mas’uulka ka ahaa Madaxweynaha shanta bilood ay u hartay waxay la mid tahay wixii ay sameeyeen Baarlamaankii 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaliaya ee Farmaajo Labada Sano ugu daray” ayuu yiri Xassan Shire Abgaal.

“8-jannaayo waxaa dhacaysa doorashadda Siciid Deni haduusan ka qaybgaleen isagu wuu iska baxayaa balse inteena kale ee reer PL aan isku imaano oo doorasho wakhtigeeda dhacda aan ka shaqayno inta ka horaysana Nabada Puntland iyo mida Caasimadaba waa inaan ilaalino oo ka wada shaqayno” ayuu intaas ku daray

HOOS KA DAAWO HADALKA XASSAN SHIRE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Xarardheere & ajaaniib lagu dilay

Caydiid Ali

Beel ka digtay Dhul boob ka socdo deegaanka Jaziira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Itoobiya oo Shaacisay in ay noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsata Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---