Shan qof oo ka mid ah Masiixiyiinta xagjirka ah ayaa dab ku qabadsiiyay safaaradda Masar ee magaalada Copenhagen horteeda Nuqul ka mid ah qur’aanka kariimka ah, waana dhacdadii saddexaad ee ka dhacda dalka Denmark muddo toddobaad gudihiis ah.
Wadamada Denmark iyo Sweden ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in la gubo kitaabka Quraanka Kariimka ah balse aysan ka hortagi karin marka loo eego sharciyada dhowraya wax ay ugu yeereen xoriyatul qawlka.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii dibad baxayaasha Ciraaq ay dab qabadsiiyeen safaarada Sweden ee Baqdaad iyagoo ka careysan nin kitaabka quraanka ku gubay ka soo horjeedka safaarada Ciraaq ku leedahay Sweden
Falkan ka dhacay Copenhagen oo ay sameeyeen koox lagu magacaabo “Pariots Danish” ayaa daba socotay dhacdo kale oo labo nin ku hor gubeen safaaradda Ciraaq Copenhagen iyo Labo dhacdo oo noocaan ah oo bishii la soo dhaafay ka dhacay dalka Sweden.
Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa isniintii ugu baaqday mas’uuliyiinta dalalka Midowga Yurub in ay si degdeg ah uga fiirsadaan waxa loogu yeero xorriyadda hadalka iyo xaqa ay dadku u leeyihiin inay ku xad gudbaan diimaha.
Turkiga ayaa Isniintii sheegay in ay si adag u cambaareynayaan waxa ay ugu yeereen “Weerarka Quursiga ah” ee lagu hayo Qur’aanka Kariimka ah, waxayna Denmark ugu baaqday in ay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago nacaybka ka dhanka ah Islaamka.
Dowladda Denmark ayaa cambaareysay gubashada dadkan, waxayna ku tilmaantay fal kicin ah oo ceeb ah, balse waxay sheegtay inaysan awood u lahayn inay ka hortagto dibadbaxayaasha aan rabshadaha sameynin.
“Dadku waxay ka faa’iidaystaan ​​xorriyadda hadalka oo la dheereeyey marka ay mudaaharaad sameynayaan,” ayay tiri Trine Baumbach oo wax ka dhigta kuliyada sharciga ee jaamacadda Copenhagen.