Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ekrem Yüce oo aqbalay inuu booqasho ku yimaado Magalada Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga Mudane Ekrem Yüce.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay kulankaas Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan Maxamed iyo Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa looga hadlay, Iskaashiga iyo horumarinta labada Magaalo ee Muqdisho iyo Sakarya, wax is dhaafsiga, taageerada tababarada shaqaalaha.

Ekrem Yüce ayaa balan-qaaday in maamulkiisa uu ka caawin doono maamulka gobolka Banaadir arrimo badan oo ka mid yihiin qalabeynta.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed marti qaad loo fidiyay Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga Mudane Ekrem Yüce in uu booqasha rasmi ah ku yimaado Caasimadda JFS ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska horimaad ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Daawo:-kormeerkii Madaxweyne Qoorqoor ee Ciidankii ku suganaa deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur !!

admin

Maxkamada G/Banaadir oo bilowday dhegeysiga dacwad loo heysto Koofi, Cabdul & Saabey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---