Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ee ka socda magaalada Dar e Salaam, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo oo Ra’iisul Wasaaruhu ka mahadceliyay taageerada dhinacyada iyo mashaariicda uu Bangigu ku taageero shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinaca amniga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, iyada oo sheegtay in Bangigu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ka taageero mowduuca hadda looga hadlayo Shir Madaxeedka ee horumarinta karaanka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay nidaamka dhaqaalaha waddanka oo hadda cagta ku haya in Soomaaliya ay soo gabagabeyso hannaanka deyn cafinta dhammaadka sanadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Madax kale oo lagu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Soomaaliya oo Heshay Agabka Lagu Baaro Caabuqa halista badan ee COVID-19

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Guddoomiyay Shir arrin muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade