Dab ka kacay dalka Aljeeriya ayaa dilay 34 qof, waxaana lagu qasbay in kumannaan dalxiisayaal ah laga daadgureeyo jasiiradda Rhodes ee dalka Giriiga, iyadoo kulaylka xagaaga oo aad u xooggani uu qabsaday dhul ballaaran oo ka tirsan badda Mediterranean-ka ee isku xirta Koonfurta Yurub iyo woqooyiga Afrika.
Dab kale ayaa sababay in si ku meel gaar ah loo xiro garoonka diyaaradaha ee Palermo oo ku yaalla jasiiradda Sicily ee koonfurta Talyaaniga Talaadadii, iyadoo dabeylo ay soo jeexeen saqafyadii ayna soo daadisay geedo ku yaalla waqooyiga dalkaasi, halkaasoo ay ku dhinteen laba qof.
Cimilada aadka u daran ee July oo dhan waxay sababtay burburka guud ahaan dunida, iyadoo heerkulku jabiyay diiwaanka Shiinaha, Maraykanka iyo koonfurta Yurub, taasoo keentay dab ka kacay kaymo, biyo la’aan iyo kor u kaca dadka isbitaalada loo seexiyay kulaylka.
Haddii aysan jirin isbeddel cimilo oo bini’aadmigu keenay, dhacdooyinka bishan waxay ahaan lahaayeen mid aad dhif u ah, sida lagu sheegay daraasad ay samaysay World Weather Attribution oo ah urur ay ku jiraan Koox saynisyahano caalami ah oo baaraya doorka isbeddelka cimiladu ay ka ciyaaraan cimilada aadka u daran.
Kulaylka, oo heerkulku kor u dhaafo 40 Celsius (104 Fahrenheit), aad ayuu uga sarreeyaa waxa uu inta badan soo jiitaa dalxiisayaasha u qulqula xeebaha koonfurta Yurub.
Qaybo ka mid ah bariga Sicily, heerkulku wuxuu gaadhay 47.6 Celsius Isniintii, taasoo ku dhow rikoorka sare ee Yurub ee 48.8 Celsius ee laga diiwaan geliyay jasiiraddaas laba sano ka hor.
Waxay xitaa ka kulushahay Waqooyiga Afrika, iyadoo heer kulka 49 Celsius laga diiwaan geliyay magaalooyinka qaar ee Tunisia.
Dabka ka kacay jasiiradda Rhod todobaadkii u dambeeyay ayaa maamulka Giriiga ku qasbay in ay sameeyaan daad gureyn tii ugu ballaarneyd ee abid laga sameeyo dalkaasi, iyadoo in ka badan 20,000 oo qof lagu qasbay in ay ka baxaan guryo iyo hoteello.
Dabka ayaa dhabar jab ku noqon doona warshado dalxiis oo udub dhexaad u ah dhaqaalaha Giriiga.
“Aad iyo aad bay u xun tahay, xaaladda, waxaan u baahanahay gargaar, meel walba nooga soo dira kaalmo,” ayay tiri Lanai Karpataki, oo degan deegaanka Kiotari ee koonfurta Rhodes.
Malta, oo ah goob kale oo weyn oo fasaxa Mediterranean-ka loo aado, ayaa waxaa soo gaaray koronto la’aan dalka oo dhan, taasoo saameysay isbitaalkeeda ugu weyn, ka dib markii uu socday kulayl todobaad ah.
Saynis yahanadu waxay ku tilmaameen kulaylka xad dhaafka ah inuu yahay dilaa aamusan oo dhibaato badan ku haya dadka masaakiinta ah, waayeelka iyo dadka qaba xaaladaha caafimaad ee jira.
Cilmi baaris la daabacay bishan ayaa lagu sheegay in ilaa 61,000 oo qof laga yaabo inay ku dhinteen kulaylka Yurub ee xagaagii hore, taasoo soo jeedinaysa dadaallada u diyaargarowga kulaylka waddamada ay aad hoos ugu dhacayaan.
“Waxaan soo maray 65 xagaa inta aan noolahay…waxa aan hadda arkayo maaha wax caadi ah, ma dafiri karno, isbeddelka cimiladu waxa uu bedelayaa nolosheena,”ayuu yiri Maayarka magaalada Milan ee dalka Talyaaniga Giuseppe Sala.