Allbanaadir.com
NEWS

Sababtii uu u dhintay wiil isaga oo Hargeysa kubbad ku ciyaaraya oo la shaaciyay

Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland waxaa Axadii lasoo dhaafay ku geeriyooday ciyaaryahan Khaalid Xuseen Maxamed (Beegsi), kaa oo mar qura dhacay xilli uu ciyaar u dheelayay koox uu matalayay.

Wiilkan ayaa loola cararay isbitaal kuyaalla magaalada Hargeysa,hasa ahaatee dhaqaatiirta ayaa shaaciyay in uu geeriyooday, waxaana geeridiisa ka dhashay shaki keenay in baaritaano lagu sameeyo.

Natiijada baaritaanka lagu sameeyay geerida ciyaaryahanka geeriyooday ayaa lagu oggaaday inuu  u geeriyooday wadne xanuun la sheegay inuu horeba u qabay, waxaana meesha ka baxay shaki kale oo geerida wiilkan la moodayay in ay dhalisay.

Wiil dhallinyaro ah oo wada ciyaarayeen ayaa u xirnaa kiisdka geerida Khaalid Beegsi, waxaana wararku sheegayaan in wiilkaasi hadda la bari yeelay, lana xaqiijiyay in Khaalid u geeriyooday wadno xanuun uu horey u qabay.

Khaalid ayaa ciyaartii u dambeesay u ciyaaray kooxdii uu matalatay jaamacadda New Generation, waxa ayna kulankii uu ku geeriyooday la ciyaarayeen jaamacadda Hargeysa, ciyaarayhanka ayaa sidoo kale kamid ahaa kooxda heerka koowaad ee Goodir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askar ka tirsan Milateriga Jabuuti oo laga sii daayey afduub loo heystay

Caydiid Ali

Villa Soomaaliya oo Faahfaahisay safarka Madaxweyne Geelle iyo inta uu Muqdisho joogayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo baabi’iyey heshiiyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka Muqdisho (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---