Golaha Wakiiladda maamulka Puntland oo saakay kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, ayaa u codeeyay in wax ka badel lagu sameeyo dastuurka u degsan maamulkaasi.
Kulanka golaha Wakiiladda oo saakay xaadireen 60-xildhibaan ayaa waxaa u codeeyay in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka Puntland 54 xildhibaan, waxaa diiday 6 xildhibaan, mana jirin xildhibaan ka aamusay wax ka bedelka dastuurka .
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaana si weyn uga soo horjeeday in la furo dastuurka Puntland laguna sameeyo wax ka bedel, waxaana muuqata madaxweyne Deni iyo golaha Wakiiladda Puntland in ay maanta meel marsadeen rabitaankooda.
Khilaafka ka dhashay in la furo dastuurka maamulka Puntland ayaa horey u sababay in magaalada Garawe ka dhaco dagaal dhiig badan ku daatay, waxaana wali socda xal ka gaarista dagaalkaasi iyo in mar kale uusan soo noqon.
Siyaasiyiinta kasoo horjeeda madaxweyne Deni ayaa rumeesan in wax ka bedelka dastuurka danta uu ka leeyahay madaxweynaha ay tahay in uu sameesto muddo kororsi, isaga oo ku mar marsiyoonaya qabashada doorasho qof iyo cod ah.