Waxaa saakay oo Talaado ah lagu wadaa in magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland kulan xasaasi ah ku yeeshaan xildhibaanada golaha wakiiladda dowlad goboleedka Puntland.
Kulanka maanta ay yeelanayaan xildhibaanada Puntland ayaa la filayaa in ay si rasmi ah ugu gudagalaan wax-kabedelka dastuurka maamulkaasi, oo horey u dhaliyay khilaaf abuuray in Garawe ka dhaco dagaal dhiig badan ku daato.
Xildhibaannada Puntland ayaa la filayaa in ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyaan wax-ka beddelka dastuurka, waxaana xusid mudan in wali uu taagan yahay khilaafka ka dhashay wax-kabadelka dastuurkii horey ugu yaalay Puntland.
Kulanka xildhibaanada ayaa imaanaya xilli aysan natiijo kasoo bixin waan-waan xalay ilaa shalay ay wadeen isimada Puntland, kuwaa oo ka shaqeenayay in aysan mar dambe dhicin gacan ka hadal lamid ah kii dhawwaan Garawe ka dhacay.
Isimada Puntland oo la kulmay madaxweyne Deni ayaa wararku sheegayaan in ay ku guul-dareesteen in ay ka dhaa-dhiciyaan joojinta wax-kabedelka dastuurka, waxa uuna madaxweynaha ku adkeestay in go’aankaasi meel-marintiisa ay u taalo baarlamaanka.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhankooda si weyn u diidan wali in wax-kabedel lagu sameeyo dastuurka Puntland, waxa ayna cadeeyeen in aysan marnaba aqbali doonin rabitaanka madaxweyne Deni ay sheegeen in uu damacsan yahay muddo kororsi .