Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa si adag uga hadlay weerar dhawwaan askar katirsan booliiska Kenya ku qaadeen guri uu magaalada Nairobi ka degan yahay wiilkiisa curadka ah.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in habeenkii Jimcaha askar katirsan booliiska Kenya tageen guriga wiilkiisa, waxa uuna xusay in askartaasi qorshahooda uu ahaa in guriga wiilkiisa galiyaan hub sharci darro ah iyo daroogo, si ay dambi uga dhigaan.
Madaxweynihii hore ee Kenya ayaa sidoo kale beeniyay hub sharci darro ah oo la sheegay in ay heestaan carruurtiisa , gaar ahaan wiilashiisa Jomo iyo Muhoho, waxa uuna warka la baahiyay ku tilmaamay dacaayad dadka lagu qaldayo.
“Arrinta hubka waxaa la socday dacaayado badan, si loogga weeciyo indhaha dadka waxa dalka ka dhacaya. Waxaan rumaysanahay booliiska inay doonayeen inay daroogo iyo qoryo geliyaan guriga wiilkayga.” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
Waxa uu sheegay Uhuru Kenyatta in labadiisa wiil ay heestaan lix qoray oo la ogyahay, waxa uuna xusay in qoryahaasi ay diiwaan-gashan yihiin ayna u heestaan sharciyad buuxda, halka uu tilmaamay in gabadhiisa Ngina aysan heysan wax hub ah.
Hadalka madaxweynihii hore ee Kenya ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda madaxweyne Rutu cadaadis ku heyso Uhuru iyo qoyskiisa oo dowladda ku tuhmeyso in ay maal-gelinayaan dibad-baxyada dowladda looga soo hor-jeedo.