Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Israa’iil oo meel-mariyey sharci dood dhaliyay si weyna u kala qaybiyey dalkaasi

Baarlamaanka Israa’iil ayaa Isniintii meelmariyey qayb ka mid ah, sharci muhiim u ah dib u habaynta garsoorka ee dalkaas, kaas oo uu si weyn dabada uga riixayey ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, hase ahaatee waxaa si weyn uga soo horjeeda sharcigaasi, kumanaan ka mida shacabka dalkaas, kuwaas oo bilihii la soo dhaafay dhigayey debedbaxyo balladhan.

Kulanka baarlamaanka ee lagu meelmariyey sharcigan oo Isniintii qabsoomay ayaa xildhibaanada mucaaradka ahi ay siweyn uga soo horjeesteen iyaga oo ku dhawaaqayey, “Waa idinku ceeb”, waxayna markii dambe iskaga dareereen golaha, hase ahaatee xildhibaanada muxaafidka ah oo haystay aqbaliyad ku filan ayaa ansixiyey sharcigan.

Sharcigan oo ay ogolaadeen 64 mudane, ayaa markii ugu horraysay taariikhda Israa’iil, wuxuu dhimayaa awoodaha maxkamadaha, gaar ahaan in maxkamadda sare ay awood u yeelan karto inay hor istaagto go’aanada ka soo baxa golaha baarlamaanka, iyo weliba in wax laga bedelo habka loo magcaabo garsoorayaasha.

Urur u dhaqdhaqaaqa arrimaha madaniga oo ka dhisan Israa’iil ayaa markiiba sheegay inay dacwad ka dhan ah go’aankan u gudbin doonaan maxkamadda sare, isla markaana ay qorshaynayaan mudaharaado ballaadhan oo dalkaas ka dhaca.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil iyo isbahaysigiisa garabka midig ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xakameeyo awoodda garsoorayaasha aan la dooran, maadaama aanu dalkaasi lahayn dastuur qoran. Hase ahaatee dib u habayntan garsoorka dalkaas ayaa si weyn u kala qaybisay Israa’iil.

Dib u habaynta garsoorka waxaa si weyn u taageersan Israa’iiliyiinta u janjeedha dhinaca diinta, halka ay ka soo horjeedaan Muwaadiniinta dalkaas ee aaminsan nidaamka cilmaaniga ah.

Isbedelkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Netanyahu loo haysto eedo musuqmaasuq.

Source Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayax Gacmeed aad ugu dhawaanaya Qoraxda oo hawada sare loo diray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cali Jeyte oo shaaciyay in rag ajaaniib ah ku dileen dagaalka ka socda Hiiraan

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “Dastuurka qodobkiisa 21-aad ayaa damaanad qaadaya xorriyadda isu-socodka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---