Jeneraal sare oo ka tirsan Milateriga Suudaan ayaa si ba’an u diiday hindise ay Kenya hormuudka ka tahay oo ahaa in ciidamada nabad ilaalinta Bariga Afrika IGAD ay gacan ka geystaan soo afjarida dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan in ka badan 100 maalmood, isagoo xusay in ciidan kasta oo noocaas ah uusan xal u keeni karin dagaalka ka socda dalkaas
Ciidanka Suudaan iyo Xoogaga Taageerada Degdegga ah ee RSF ayaa helay dalabyo dhexdhexaadin caalami ah oo badan, laakiin midkoodna kuma guuleysan inuu soo afjaro ama xitaa si weyn u hakiyo dagaalka qarxay 15-kii Abriil.
Horaantii bishan, IGAD, oo ah urur goboleedka Bariga Afrika oo ay Kenya xubin ka tahay, ayaa soo jeediyay hindise ay ku jiraan in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo caasimadda Khartoum.
Ciidanka Suudaan ayaa marar badan diiday hindisaha ay Kenya hormuudka ka tahay, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto RSF.
Waxay sheegtay in cid kasta oo nabad ilaalin ah oo shisheeye ay u aqoonsan doonto ciidamo cadaw ah.
“Ciidanka ciidanka Kenya hadii au yimaadaan dhulkeena Ilaah baan ku dhaartaye, mid iyaga ka mid ah ma soo laabanayo” ayuu yiri General Yassir Al-Atta oo ka tirsan milateriga Suudaan.
“Hadalkan waa mid aan u qalmin dedaalkeena,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya Korir Sing’Oei u sheegay Reuters, isagoo intaas ku daray in eedeymahaas ay yihiin kuwo aan sal lahayn, waddankiisuna uu dhexdhexaad ka yahay colaada Sudan
“Marka lagu adkaysto in nabad waarta lagu xaqiijin karo oo keliya marka lagu daro jilayaasha rayidka ah hab dhexdhexaadin kasta iyo ku baaqaya in lagula xisaabtamo xadgudubyada, qaar ka mid ah Suudaan ayaa laga yaabaa inay ku adkaato mabaadi’daas inay aqbalaan,” ayuu raaciyay.