Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha booliiska oo ka hadlay Wiil yar oo Muqdisho lagu dilay iyo dad loo xiray dilkaasi

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerico) oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dil loo geestay wiil yar oo 6-sano jir ah oo xalay meydkiisa laga helay xaafada Juungal ee degmada Yaqshiid.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka booliiska in howlgal ay ciidamada booliiska ka sameeyeen xaafada Juungal ugu suurto gashay in ay soo helaan meydka wiilka yar sidoo kale soo qabtay sadex ruux oo lagu tuhmayo dilkaasi.

Ciidamada booliiska ayaa usoo xiray dilka Sufyaan Cusmaan Barre oo 6-sabo jir ahaa sadex ruux oo mid kamid ah la sheegay in Dumar tahay, waxaana dadkan xiran ku socda baaritaano.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in Wiilka yar ee la dilay lagala baxay xubno kamid ah jirkiisa sida kilyaha iyo xubno kale.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in dad kala duwan oo loo soo xiray dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ay ku jireen gabdho arday ka ahaa Dugsi Hoose iyo Jaamacad oo si bareer ah loo dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Deni iyo Golihiisa Wasiirada oo ka wada hadlay qodobo Muhiim ah

Caydiid Ali

Maraykanka oo joojiyey shaacinta Khasaaraha Weerarada ay ka fuliyaan Somalia (Sababta)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Kulan Muhiim ah la qaatay David Concar (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---