Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labo nin oo Safaarada Ciraaq ku hor gubay Kitaab Quraan ah iyo caro ka dhalatay

Laba qof ayaa maanta safaaradda Ciraaq ee caasimadda dalka Denmark ku hor gubay nuqul ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka.
Talaabadan ayaa sii xumeyn karta xiriirka u dhexeeya labada dal.

Raggan ayaa ka socday koox isku magacawday Wadaniyiinta Denmark oo sameeyay mudaharaad kan la mid ah toddobaadkii hore, isla markaana si toos ah falkooda uga tabinayey baraha bulshada.

Labada nin ayaa sidoo kale goobta ku gubay calanka Ciraaq.
Koox xagjir ah oo kasoo jeeda Denmark oo lagu magacaabo Dansik Patriot ayaa baahiyey muuqaal nin gubaya wax u muuqday Qur’aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq.

Wasaarada arimaha dibada dalka Ciraaq ayaa sheegtay in dowlada Ciraaq ay cambaareysay talaabadii Quraan gubista ee ka dhacday safaarada ay Ciraaq ku leedahay dalka Denmark sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee Ciraaq (INA)

Ciraaq ayaa dhowaan xiriirka u jartay dowlada Sweden ka dib markii nin Ciraaqi ah oo heysta diinta masiixiga uu Kitaabka quraanka ku gubay caasimada Stockholm.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo diidan dhismaha dekada Hobyo xili Galmudug ay soo bandhigeen nashaqad cusub !!

admin

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Ruushka oo weerar wuxushnimo lagu tilmaamay ku qaaday Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---