Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar iyo wafdi la socday laga hor istaagay in saakay ka dhoofaan Muqdisho.
Wafdigan ayaa ujeedkoodu ahaa in saakay u safraan magaalada Garawe , hasa ahaatee ammar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu war-galiyay diyaaradii qaadi laheyd wafdiga in aysan soo degi karin haddii ay soo qaado Sacdiya iyo xubnaha la socda.
Guddoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha shacabka ayaa safarkeeda la sheegay in ay ku wehliyeen xildhibaanno iyo wasiirro kasoo jeeda Puntland, kuwaa oo ujeedkoodu ahaa in ay ka qeyb galaan caleemo saarka suldaankooda oo beri ka dhacaya Garawe.
Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin warkan sheegaya in xildhibaan Sacdiya Yaasiim Samatar iyo wafdiga la socda u diideen in ay yimaadaan Garawe, waxa ayna arrintan imaaneysaa xilli Puntland xiriirka u jartay dowladda Federaalka.
Guddoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin ayaa sannadkii hore diyaarad siday oo kusii jeeday Boosaaso loo diiday in ay degto, waxaana diyaaradaasi lagu qasbay in Muqdisho dib ugu laabato.