Waxaa saakay qarax xooggan oo ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha xerada ciidamada ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, qaraxa waxaa fuliyay nin isku oo xiray wax-yaabaha qarxa.
Qaraxa ayaa dhacay xilli ciidamo katirsan guutada 14-ka October oo laga keenay gobolka Shabeelaha Hoose lagu sameenayay tirakoob iyo dib u habeyn, ciidankan ayaana ku jiray saf dheer xilliga uu qaraxu dhacayay.
Sida aan wararka ku helnay ciidamadan qaraxa lala eegtay ayaa dhawwaan ka yimid magaalada Marka iyo deegaanno hoostaga oo ay ka howlagli jireen, waxaana ciidankan Muqdisho loo keenay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa.
In ka badan 25 askari oo katirsanaa ciidankan guutada 14ka October ayaa qaraxa ku geeriyooday , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaa ka badan ,kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka Muqdisho.
Askarta qaraxan ku dhimatay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen beel kamid ah kuwa dega gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan magaalada Marka, waxaana saraakiisha ciidankan Muqdisho looga yeeray durba galay tuhun ah in qaraxa la fududeeyay.
C/rixiin Muunye oo ah taliyaha ciidanka 14-ka October ee magaalada Marko ayaa sheegay iney tuhmayaan in weerarkan oo ay Shabaab sheegatay lagala shaqeeyay, isagoo sheegay in si gaar ah loo beegsaday ciidankan oo dhamaantood hal beel ahaa askarta dhimatay.
Dowladad Soomaaliya ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhax dhacay kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana masuuliyadda qaraxa sheegatay kooxda Al Shabaab.