Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Saacado kooban la wareegtay Degmada Ijara ee dalka Kenya

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar xoogan ku qaaday gudaha dalka Kenya , waxa ayna dagaalyahanadan saacado kooban la wareegeen Degmada Ijaara.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay dagaalyahano aad u hubeesan ay weerar ku galeen Degmada Ijaara, waxa ayna dagaalyahanadan la wareegeen saldhiga booliiska iyo xarumo kale.

Al Shabaab ayaa dab qabadsiisay saldhiga booliiska Ijaara iyo xarunta Shirkada Safaricom , waxa ay sidoo kale Al Shabaab horey u qaateen gaadiid iyo sidoo kale agabyo kale oo yaalay xarumo ganacsi.

Ciidamo katirsan Milatariga iyo booliiska dalka Kenya ayaa howlgalo kawada Degmada Ijaara, waxa ayna ciidamadan la sheegay in ay kudaba jiraan dagaalyahanadii Al Shabaab xalay la wareegay Degmada Ijaarada.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaaday gudaha dalka Kenya, waxaana weerarkan uu kusoo aadayaa xili ciidamada Kenya ay xoojiyeen amaanka xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri dib u doorashada Dhigiisa Emmanuel Macron?

Caydiid Ali

Dowlada oo kordhisay cadaadiska ay ku heyso shacabka magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dadka meydadka ehelkooda kala soo baxaan Qabuuraha Iskool Buluusiya oo shuruud lagu xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---