Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada ciidamada ee Maslax, munaasabad dhiirogelin ah loogu sameeyay guutooyin katirsan ciidanka xoogga dalka , kuwaa oo loogu magac-daray guutooyinka Cumar Binu Qadaab iyo Cali Binu Abii Dhaalib .
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka , waxaana munaasabadda heeso waddani ah kusoo bandhigay fannaaniin katirsan kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ciidamadan cusub ee katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutooyinka  Cumar Binu Qadaab iyo Cali Binu Abii Dhaalib , ayaa lagu dhiiriyay in ay u diyaar garoobaan dagaal adag ay la galaan kooxda Al Shabaab .
Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay ciidankan cusub ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal ay la galaan kooxda Al Shabaab, oo ay sheegeen in dhibaato ku hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dowladda ayaa diyaarisay ciidamo badan oo loogu tala galay in ay dagaal la galaan Al Shabaab, ciidankan ayaana lagu soo tababaray gudaha dalka iyo dibadiisa, waxa ayna dowladda dooneysa in ay u adeegsato wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab