Waxaa maanta lagu wadaa in maxkamadda gobolka Banaadir lasoo taago saraakiil katirsan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, kuwaa oo loo heesto in ay ku kaceen musuq maasuq iyo xoolo dadweyne.
Saraakiishan katirsan wasaaradda maaliyadda gaar ahaan qeybta canshuuraha bariga ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirnaa Muqdisho, waxaana loo heesto in ay musuq maasuqeen lacago canshuuro ahaa.
Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaana dacwad kusoo oogtay saraakiishan katirsan wasaaradda maaliyadda, waxaana la filayaa in xubnaha xiran maxkamadda hortooda isaga difaacaan eedeymaha loo heesto.
Dhawwaan ayaa sidan oo kale maxkamadda gobolka Banaadir iyana loo soo taagay agaasimayaal katirsanaa hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, kuwaa oo iyana loo heesto musuq maasauq.
Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya oo iyana ku eedeysan musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne ayaa baxsad ku ah dalka dibadiisa, lamana oga sida dowladda Soomaaliya ugu fududaan doonto soo qabashada ragaasi.