Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Dagaal kula wareegtay deegaan ay joogeen ciidanka dowladda

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka doawladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo kooxda Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka  Goofgaduud ee duleedka Baydhabo.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa qarxay kaddib markii dagaalamayaal katirsan Al Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa dagaalka ku gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana adag in si rasmi ah loo ogaado inta ay la egyihiin khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Dagaalka Goofgaduud kaddib ayaa ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed isaga baxeen deegaanka , waxaana halkaasi la wareegay dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab.

Deegaanka Goofgaduud oo ah deegaan istaraatiiji ah lagana ilaaliyo magaalada Baydhabo ayaa mara badan Al Shabaab waqtiyo kooban la wareegeen, ciidanka dowladda ayaana qorsheenaya in deegaankaasi ku qaadaan weerar rogaal celis ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Musharaxiinta Mucaaradka Puntland oo go’aan mideysan qaatay kana hor-yimid guddiga…

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Labo Nuuc Doorasho ee soo bandhigtay Xaliimo Yarey

Cabdi Cade

Taliska Booliiska oo ka hadlay dilal Ciidanka AMISOM dhowaan ka geysteen Ceelasha Biyaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---