Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xaafad katirsan degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka maamulka Hirshabeelle Marxuum Xasan Axmed Muudeey .
Wasiirka ayaa la sheegay in la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu salaad kusoo dukaday, waxaana dilka wasiirka fuliyay dhallinyaro biskoolado ku hubeesnaa, kuwaa oo dilka kaddib goobta si deg deg ah uga baxsaday.
Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si kulul u cambaareeyay dilka loo geesaty wasiirkan horey uga tirsanaa Hirshabelle, waxa uuna madaxweynaha tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday wasiirka la dilay.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo bulshada Hirshabeelle ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Axmed Muudeey. Marxuumku waxa uu ahaa shaqsi karti badan oo muddo u soo adeegayay Hirshabeelle waxa uuna door ku lahaa Aas-aaska dowlad dhiskii Hirshabeelle” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxweyne Guudlaawe.
Dilka wasiirkan horey uga tirsanaa maamulka Hirshabelle loogu geestay magaalada Muqdisho ayaa imaanaya ,xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay ammaanka caasimadda oo lagu wareejiyay ciidamo cusub oo booliisa milataari katirsan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com