Allbanaadir.com
NEWS

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo u kuurgalay habka bixinta Baasaboorada (Sawirro)

Agaasimaha Guud ee ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayay habsami u socoshada howlaha iyo adeegyada bixinta Baasaboorka ku tagay Xarumaha ay Hay’addu ku leedahay Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis.

Agaasimaha ayaa dhammaan xaafiisyada uu booqday waxa uu warbixino kaga dhegeystay Agaasimayaasha waaxyaha, kuwaas oo Warbixino ka siiyay sida ay u socdaan shaqada ay u qaabilsanyihiin Hay’adda ee ah bixinta adeegga Baasaboorka Shacabka, kaas oo laga bixiyo labada degmo ee ay ku yaalaan Xafiisyadaas. Sidoo kale mudadii uu Agaasimuhu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo waxa uu mid mid isku dul taagay shaqaalaha ka howlgala Xafiisyada uu kormeerka ku marayay, si uu waxbadan uga ogaado shaqooyinka ka socda xaafiisyadooda iyo caqabadaha shaqo ee ka jira halkaas.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Axmed Siciiid Maxamed, ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fududeeyo adeegga dadweynaha isla markaana la wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya Shacabka yimaada xarumaha adeegga Baasaboorka laga bixiyo iyo Saraakiisha ka howlgala Xafiisyada Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis.

Ugu dambeyn, kormeerka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Axmed Siciiid Maxamed, ayaa waxaa kormeer kiisa ku wehlinayay, Madaxa Kaalinka Agaasinka Guud, Agaasimaha Waaxda Baarista iyo Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Jinsiyadda iyo Diiwaangelinta.

Related posts

Meydka Soomaali toorey lagu dilay oo laga helay Magaaladda Plauen (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Rooble oo ku biiray kulamadii u socday Farmaajo, Wasiirka amniga & taliyaha KMG ee NISA

Caydiid Ali

Isbitaalkii degmada Baardheere oo ku burburay qaraxii ka dhacay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---