Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay saddex eedeysane iyo Dambiga ay galeen oo …

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Muqdisho, gaar ahaan saldhigga degmada Xamar Jajab ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo dhallinyaro ah, kuwaa oo lagu eedeeyay fal xatooyo ah.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in saddexdan dhallinyaro ee lasoo qabtay lagu eedeeyay in mooto nuuca  loo yaqaan Fekon ay ka riixdeen isgooska Ceel-gaabta ee degmada Xamar Jajab.

Booliiska oo lagu war-galiyay xatooyada mootada ayaa ku guuleestay in ay soo qabtaan saddexdan dhallinyaro, waxa ayna booliiska sheegeen in baaritaano kaddib loo gudbin doono hay’adaha sharciga.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ku guuleestay soo qabashada kooxo badan oo isugu jira burcad iyo ciyaal weero, waxa ay sidoo kale booliiska soo qabteen rag dilal kala duwan geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Carro xooggan oo ka dhalatay dilkaasi

Cabdi Cade

Ciro oo Wareegto ku Magacaabay xilal kala duwan (Magacyada)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal xoogan oo saakay dhax maray Ciidamo kawada tirsan Dowlada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---