Guddoomiyaha Gobolka MudugĀ ee GalmudugĀ Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdille (Marexaan) ayaa digniin ka soo saaray jariska Dhuxusha oo aad looga Isticmaalo degaanada Gobolkaas.
Qoraal ka soo baxay Gudoomiyaha ayaa waxaa lagu xusay in tallaabo cad laga qaadi doono cid allaala ciddii lagu helo jarista iyo ka Ganacsiga dhuxusha.
Waxaa uu digniin adag u diray dadka xilligan ku howlan jarista dhuxusha, iyadoo digniintan aysan aheyn tii ugu horeysay nooceeda ee Maamulka Galmudug uu soo saaro.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDOOMIYAHA