Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir ka tirsan Dowlada Somalia oo qaaday talaabo ay ka carootay dowlada Turkiga

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Xukuumada Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in Turkigu ka carooday arrin uu ka hadlay  Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji.

Wasiirka caafimaadka oo Warbixin siinayey guddiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia ayaa sheegay inay dowladda Turkiga ka codsadeen in la bedelo Agaasimaha Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer oo Turkidu maamusho ka dib markii ay isqabteen shaqaalaha Isbitaalka, loona maaro waayey in la xaliyo.

Cali Balcad ayaa sheegay in hadalka wasiirka ay ka carootay dowladda Turkiga oo dooneysay in arrintaan si hoose loo xaliyo oo la bedelo Agaasimaha, iyadoo aan warbaahinta laga sheegin.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in xiisadda arrintaas ka dhalatay aan weli la xalin.

“Turkiga ayaa la cawday in wasiirka Caafimaadka Soomaaliya uu warbaahinta ka sheegay in Agaasimihii isbitaalka Digfeer oo ah nin Turki ah la eryey, waxaan ku howlanahay xalinta arintaasna,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Wasiirka ayaa sheegay in isbitaalka Digfeer uu leeyahay agaasimeyaal Turki ah iyo ku xigeeno Soomaali ah, kuwaasoo uu soo dhex galay khilaaf maamul iyo is faham la’aan laga baqay iney curyaamiso adeegyada Isbitaalka.

“Arrintaas ayaa keentay in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya codsato in laga bedelo agaasimaha guud ee Turkiga ah, waxaana dalabkaas aqbashay dowladda Turkiga” ayuu yiri Cali Balcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Goormay Shacabka Muqdisho bilaabi doonaan raadinta xuquuqda Gobolka Banaadir?

Caydiid Ali

Dowlada Itoobiya oo xir xirtay saraakiil sar sare oo katirsan Jabhada OLF

Cabdi Cade

Safaarada Imaaraadka ee Khartuum oo la duqeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---