Allbanaadir.com
NEWS

Cali Jeyte oo eedeyn yaab leh u jeediyey Cali Guudlaawe iyo Maamulkiisa

Madaxweynaha Maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cusmaan ayaa mar kale ka hadlay sababaha keenay iney is qabtaan isaga iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Cali Jeyte ayaa sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle ay isku qabteen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay in Cali Guudlaawe uusan raali ka aheyn.

“Hirshabelle raali kama aheyn inaan cadowga ka saarno dalka waxaana caddeyn u ah hal maalin Cali Guudlaawe kama hadlin guulaha aan ka gaarnay dagaalka illaa aan ka gaarno degmada Aadan Yabaal” ayuu yiri Madaxweynaha Hiiraan State Cali Jayte Cismaan.

Waxaa uu maamulka Hirshabeelle ku tilmaamay Company, isla markaana uu isaga baxay, haatana uu yahay Madaxweyne ku yimid rabitaanka dadweynaha reer Hiiraan sida uu yiri.

Cali Jeyte ayaa sheegay in ragga madaxda ka ah Hirshabeelle aysan aheyn kuwa u qalma hogaan umadeed, ayna yihiin caada qaatayaal aan damiir laheyn.

“Labada nin ee Hirshabeelle ugu sareysa iyagoo Miyiga ku nool ayaan dowladnimada qeyb ka ahaa oo aan lasoo shaqeryay, Guudlaawe iyo Dabageed ma ahan laba nin oo leh aqoon hogaamineed ” ayuu yiri Cali Jeyte.

Waxaa wali ka taagan khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte, taasoo keentay in Baledweyne uu kaga dhawaaqo maamul la baxay Hiiraan state oo uu madaxweyne ka yahay, kaasoo aysan jirin cid aqoonsatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Fanaan caan ka ahaa Wadamada Carabta iyo Somalia oo geeriyooday isagoo 82 jir ahaa

Caydiid Ali

Duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan Xamaas oo ka dhacday Magaalada Beirut

Caydiid Ali
Taboola Ads ---