Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shaqaalaha gargaarka heyadda MSF oo lagu weeraray Magalada Khartuum

Heyadda Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in shaqaalaheeda gargaarka lagu weeraray dalka Sudan.

Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday kooxda MSF ee dalka Suudaan xilli shaqaalaha gargaarka ay sahay caafimaad gaarsiinayeen isbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah, iyadoo uu socdo muddo bilo ah dagaal u dhexeeya ciidamada qaranka iyo ciidamada RSF.

Kooxdan ayaa si xun u weerartay koox ka kooban 18 qof oo u shaqaynayay hay’adda gargaarka caalamiga ah maalintii Khamiista, xilli ay isku dayayeen in ay sahay geeyaan cisbitaalka Turkiga ee koonfurta Khartoum, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay MSF

“Niman hubaysan ayaa si gardaro ah u weeraray kooxda MSF, iyagoo jir dil iyo karbaash u geystay, Waxay xireen darawalkii waday gaari ay leedahay MSF, waxay u hanjabeen naftiisa ka hor inta aysan sii deyn, gaarigana way qaateen”” ayay qortay (MSF). “.

Dagaal ayaa 15-kii April ka dhex bilowday militariga Suudaan iyo kooxda gurmadka degdega ah RSF, kaasoo weli socdam waxaa ku dhintay boqolaal qof, kumanyaal kalena waxay ka qaxeen guryahooda.

MSF waxa ay sheegtay in dhacdadani ay halis galisay hawlaheeda mid ka mid ah labada isbitaal ee ka furan koonfurta Khartoum.

“Haddii ay dhacdo sidaan oo kale ah lana carqaladeeyo shaqadeena Joogitaankayaga Isbitaalka Turkiga wuxuu noqon doonaa mid aan la sii wadi karin” ayuu yiri Christophe Garnier, madaxa xaaladaha degdegga ah ee MSF ee Suudaan, isagoo intaas ku daray in loo baahan yahay dammaanad-qaadyada ugu yar ee badbaadada si ay u sii waddo shaqadeeda.

Dadaallo dhexdhexaadineed oo heer gobol iyo heer caalami ah ayaa ilaa hadda lagu guul daraystay in la soo afjaro dagaalka, waxaana laga cabsi qabaa in Suudaan ay u gudubto dagaal sokeeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo cunaqabateyn saaraya Wasiirro katirsan Isra’il

Cabdi Cade

(Akhriso) Afar nooc doorasho oo lagaga doodayo wejiga 3aad ee Shirka Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Iran oo ku hanjabtay aargoosi kadib weerar lagu qaaday xarun Nukliyeerka lagu farsameeyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---