Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ardayad aflagaadeysay Nebi Muxamed NNKH oo lagu baaqay in xukun dil ah lagu fuliyo

Dalka Mauritania Ardayad dhigata dugsiga sare ayaa loo xiray inay qortay warqad loo arkay in ay ku aflagaadeysay Nebi Muxamed NNKH .

Culimada diinta ayaa dalbaday in dil lagu xukumo haddii gabadhan yar oo aan magaceeda la sheegin lagu helo dambigaas aflagaadada ah sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha

Mauritania waxa ay xoojisay sharciyada cayda ee diinta iyo Nabiga NNKH, iyagoo dhigaya ciqaabta dilka ah ee Muslimiinta

“Ku jeesjeeska ama aflagaadeeynta Alle ama Nabiga NNKH, ayaa haddii uu qofku ka towbad keeno Waxa ay noqon kartaa in laga qafiifiyo ciqaabta ama aan la dilin.

Warbaahinta Pan-Arab ee al-Qudus al-Caraby ayaa sheegtay Arbacadii in ardaydu ay ka soo jeeddo magaalada Atar ee waqooyi-galbeed.

Ardayad dhigata dugsiga sare ee Mauritania ayaa loo xiray in ay qortay warqad loo arkay in ay aflagaadeysay Nebi Muxamed NNKH imtixaankii jaamacadeed ee bishii hore.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta diintu ay dalbadeen in dil lagu xukumo haddii gabadhan yar oo aan magaceeda la sheegin lagu helo dambiga aflagaado ah oo ay maxkamadda isla markaanna lagu caddeeyo.

Warbaahinta Pan-Arab ee al-Qudus al-Caraby ayaa sheegtay Arbacadii in ardaydu ay ka soo jeeddo magaalada Atar ee waqooyi-galbeed, welina kiiskeeda go’aan kama dambeysa ah lagama gaarin.

Mauritania waxa ay xoojisay sharciyada cayda ee diinta iyo Nabiga NNKH, iyaga oo dhigaya ciqaabta dilka ah ee Muslimiinta “ku jeesjeeska ama aflagaadeeynta Alle ama Nabiga NNKH, ayaa haddii ay toobad keenaan”. Waxa ay noqon kartaa in laga qafiifiyo ciqaabta ama aan la dilin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo Go’aan adag ka qaadatay Deeqaha loo soo mariyo Dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Jilaa naxdin ka qaaday ciyaar looga badiyey Xulka dalkiisa oo geeriyooday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Amar cusub oo lagu soo rogay goobaha Waxbarashada ee Magaalada Belad-weyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---